Barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa doonaya in hoggaamiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ee ODM Wycliffe Oparanya uu la wareego hoggaanka xisbigaasi haddii Raila Odinga uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da.
Barasa ayaa sheegay in Oparanya uu yahay shakhsiga ku habboon inuu hoggaamiyo xisbiga ODM.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Oparanya oo horay soo noqday guddoomiyaha dowlad deegaanka Kakamega uu mideyn doono dhammaan taageerayaasha xisbiga ODM ee guud ahaan wadanka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha Kakamega oo doonaya in Wycliffe Oparanya uu la wareego hoggaanka xisbiga...