Guddoomiyaha dowladda hoose ee ismaamulka Garissa u fadhiya Dadaab, Amiin Xaaji ayaa ka jawaabay cabasho dhawaan ka timid qaar ka mid ah bulshada Dadaab oo ku saabsaneyd biyo yari iyo oomane ka jira qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Dadaab .
Waxa uu dhanka kale sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan tabashooyinka shacabka islamarkaana uunan jirin oomane baahsan balse la buunbuuniyay sida uu hadalka u dhigay.