DHAGEYSO:Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Makueni oo digniin ka soo saaray xadgudubyada jinsiyadeed

0
229

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Makueni ayaa digniin adag u diray shakhsiyaadka gaysta xadgudubyada jinsiyadeed sida kufsiga iyo faraxumeynta gabdhaha.
Mr. Henry Wafula ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono shakhsiyaadkan.
Waxaa uu guddoomiye xaafadeedyada ku amray in ay si dhow ula socdaan tacaddiga ka dhaco tuulooyinka ay dowladda dhexe ku matalaan.

Barasaab ku xigeenka Makueni Lucy Mulili ayaa dhankeeda sheegtay in aynan marnaba u dul qaadan doonin falalka xadgudubka ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.