Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka ayaa dhawaan soo saartay go’aan dadka qaxootiga ah ee magan galiyada ku jooga waddanka looga doonaya in aysan isla wadan karin baasaboorrada waddamadii ay u dhasheen iyo aqoonsiga qaxootiga ee ay dowladdu bixiso.
Go’aankan ayaa khuseeya dadka ka soo jeeda waddamada bariga Africa oo ay soomaaliduna ka mid tahay.
Arrintan ayaa lagu wargeliyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xeryaha qaxootiga ee Dadaab.
Cabdullahi Cali Aadan waa guddoomiyaha xerada qaxootiga ee Dhagaxleey wuxuuna go’aankan uga warramay Maxamad Baaruud Xuseen.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha Dhagaxleey oo ka hadlay go’aan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha