Guddoomiyaha xafiiska culimaaudiinka ismaamulka Mandera Sheekh Maxamad Cismaan Calasow ayaa baaq nabadeed u diray shacabka ku nool Mandera.
Sheekha ayaa isagoo ku sugan magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa uu waxgaradka ismaamulka Mandera ku boorriyey in ay u istaagaan ka shaqeynta nabadda oo laga hor tago cid kasta oo fitna ka abuuraysa deegaanka.
Sheekh Maxamad Cismaan Calasow, guddoomiyaha culimaaudiinka Mandera ayaa sidoo kale dadka isticmaala baraha bulshada ugu baaqay inay ka fiirsadaan qoraalladooda iyo hadalladooda si aynan isku dhac ugu horseedin bulshada.