Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta , Moses Wetangula ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Azimio uga digay inay sameeyaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in maamulka madaxweyne William Ruto la siiyo fursad uu kenyaanka ugu adeego oo uu hoos ugu dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Wetangula ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tana River dhanka kale shacabka ugu baaqay inay si nabad ah ula noolaadaan dadweynaha dowlad deegaanka dariska la ah ee Lamu.