Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta , Moses Wetangula ayaa ku baaqay in marka oo ololeynaya horumarinta nolosha gabdhaha in aan dhanka kale la hilmaamin wiilasha.
Waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in sidoo kale xoogga la saaro sidii ay wiilasha ku heli lahaayeen fursadaha tacliinta.
Wetangula ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in awoodsiinta carruurta aan qaab jinsiyad ahaan loogu kala eexan.




