DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka hadlay xilka qaadis la sheegay in lagu sameynaya

0
674

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qorsho la sheegay in la doonayo in xilka looga qaado.
Waxaa uu xusay in aynan suurtagal ahayn in guddoomiyaha baarlamaanka xilka qaadis lagu sameeyo balse keliya lagala laaban karo kalsoonida.
Muturi oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Embu ayaa cid kasta oo aaminsan in ay xilka guddoomiyanimo ka xayuubin karto ka dalbaday in ay isku daydo.

Tani ayaa  timid ka dib markii  qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay  Mr. Justin Muturi ku eedeyeen inuusan si ay daacadnimo ku dheehan tahay u hoggaamin karin  baarlamaanka  maadaama loo  caleemo saaray afhayeenka  gobolka bartamaha dalka.

Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in  xilka dhawaan loo dhiibay uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin waxqabadkiisa  dhanka guddoonka baarlamaanka.