DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo baaq u diray siyaasiyiinta iyo baadariyaasha

0
280

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa madaxda diimeed iyo siyaasiyiinta ku boorriyay in ay is qadariyaan oo ay isku dulqaataan.
Waxaa uu sheegay in labada dhinac oo hadallo xanaf leh iswaydaarsada ay wax u dhimaysa xasilloonida iyo horumarka qaranka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ayuu Moses Wetang’ula caddeeyay in mas’uuliyiintan ay u wada adeegaan kenyaanka sidaasi awgeedna uunan jirin wax tartan ah oo ka dhexeeya.

Waxaa uu dhanka kale shacabka kula taliyay in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka ee SHA.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa xildhibaannada xusuusiyay in ay ansixiyeen xeerka caymiskan sidaasi awgeedna aan looga baahnayn in qaar ka mid ah ay dadweynaha marin habaabiyaan.