DHAGEYSO:Guddoomiyaha aqalka sare oo ku baaqay in madaxda ay iska kaashadaan caawinta dadka ay saameeyeen daadadka

0
230

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa ismaamullada laga doonayo inay iska kaashadaan sidii loo caawin lahaa dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay daadadka ku dhuftay ugu yaraan 33 ka mid ah dowlad deegaannada.
Waxaa uu sheegay in aan la joogin xilligii madaxda dowladda sare iyo ismaamullada ay isku eedeyn lahaayeen in laga gaabiyay ka falcelinta saameynta fatahaadda.

Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Waqooyi Bari ay dowladda ugu baaqeen inay ku dhawaaqdo in daadadka ay yihiin musiibo qaran si loo helo taageerada beesha caalamka gaar ahaan hay’adaha samafalka.