Siyaasiyiin hore oo ay ka mid yihiin guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Francis Ole Kaparo Kenneth Marende iyo guddoomiyihii hore ee aqalka sare Ekwe Ethuro ayaa walaac ka muujiyay dhimashooyinka ka dhashay dibadbaxyada dalka ka dhacay.
Waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay wada hadallo la yeeshaan madaxweynaha dalka William Ruto , baarlamaanka , dhallinyarada iyo si guud kenyaanka si loo xalliyo caqabadaha jira.
Waxay u tacsiyadeeyeen qoysaska ay dadkooda ku dhinteen ama ku dhaawacmeen mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda.
Siyaasiyiintan hore oo muujinaya walaacooda iyo waxyaabaha u qorsheysan ayaa yiri.
Dhanka kale qaar ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada ee ka tirsan xisbiga talada waddanka haya ee UDA ayaa ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada .
Waxay soo dhaweeyeen hadalkii madaxweynaha dalka William Ruto ee shalay ee ahaa in xaaladda aynan ku sii socon karin sida ay hadda tahay.
Wakiilladan ayaa dhallinyarada ku boorriyay in ay madaxweynaha fursad u siiyaan xallinta tabashooyinka ay gudbiyeen oo qaar ka mid ah wax laga qabtay.