Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa dugsiga sare ee St. Martin Mafuta ee ismaamulka Uasin Gishu ka wareejiyay 6 barayaal ah.
Tani ayaa timid ka dib markii waalidiinta deegaankaasi ay weerar ku qaadeen dugsiga iyagoo ka cabanaya in carruurtooda ay imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii hore ay ka soo hooyeen natiijooyin hooseeya.
Ardaygii ugu horreeyay ayaa helay buundada D+ waxaana soo raacay mid helay D- halka inta kale ay soo hooyeen buundada ugu hooseysa ee E.
Mid ka mid ah waalidiinta Uasin Gishu ayaa ka hadlay natiijada ardayda ee aynan ku qancin.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii TSC ay sidoo kale 17 macallimiin ah ka saartay dugsiga sare ee St. Gabriel Isonga ee ismaamulka Kakamega oo barayaal lagu weeraray.
Guddiga ayaa sheegay in uunan marnaba ka gaabin doonin xaqiijinta badqabka macallimiinta dalka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa cambaareeyay falalka ay waalidiinta ku weerarayaan maamulayaasha dugsiyada iyo macallimiinta iyagoo ka careysan natiijada ay heleen carruurtooda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wadanka uu leeyahay xeerar dastuuri ah sidaasi awgeedna cidii falalka noocani ah ku kacdo laga qaadaya tallaabo sharciyeed iyadoo aan la tixgelinayn mansabka ay ku dhex leedahay bulshada.




