Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda ee uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaanka Molo, Kimani Kuria ayaa maanta golaha xeer dejinta hor geeynaya warbixintiisa ku aaddan hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023.
Warbixinta ayaa waxaa ku xusan aragtida qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu guddigan uruuriyay.
Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio oo uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Saboti, Caleb Amisi ayaa wacad ku maray inaynan u codeyn doonin ansixinta hindise maaliyadeedka waxayna maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku dhaliileen inuu kenyaanka saaraya culeysyo dheeraad ah.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka oo gudbinaya warbixintiisa hindise maaliyadeedka