Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa soo dhaweeyay nidaam cusub oo dijitaal ah kaasoo shalay uu daahfuray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Hannaankan ayaa lagu magacabaa Ardhisasa waxaana loo adeegsan doonaa diiwaangelinta macluumaadka dhulalka ee caasimadda dalka ka hor inta aan laga hirgelin ismaamullada kale.
Waxaa uu nidaamkan qofka doonaya inuu dhul iibsado ama iska iibiyo u fududeynayaa inuu helo xog kasta oo uu u baahan yahay.
Waxaa uu sidoo kale ka hor tag u noqonayaa in lacagaha qaab toos ah loo kala qaato ama lagu bixiyo.
Sidoo kale guddiga EACC iyo waaxda dambi baarista ee DCI ayuu u suurtagelinayaa in ay si fudud dabagal ugu sameyaan muranada la xiriira dhulalka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in barnaamijkan uu xal u noqon doono caqabadaha ay la kulmaan Kenyaanka marka ay doonayaan in ay dhul iibsadaan oo ay ka mid tahay khiyaano looga faa’iidaysto.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddiga EACC oo ka hadlay hannaan lagu maareynaya arrimaha dhulalka oo shalay...