Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirisaaq Axmad Saciid ayaa sheegay inay soo badanayaan in dadka isdiiwaangelinaya laga qaadanayo waraaqadda cadeynta.
Waxaa uu guddoomiyaha arrintan ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Guddoomiyaha ayaa uga digay shakhsiyaadka xubinta ka ah guddiga doorashooyinka ee arrinkan ku howlan in tallaabo sharciyeed laga qaadayo.
Waxaa uu sidoo kale digniin u diray dadka labo jeer isku diiwangelinaya doorashada