Waxaa uu khasaare hantiyadeed soo gaaray qaar ka mid ah ganacsatada Bungoma ka dib markii dowladda hoose ee ismaamulkaasi ay burburisay meherado ay dadkan ku ganacsanayeen.
Xarumahan ayaa ku yaalla agagaarka masjidka wayn ee Jamia ee Bungoma.
Dowladda hoose ee Bungoma ayaa tallaabada ay qaadday u aaneysay in la ballaarinaya waddooyinka.
Waxay sheegtay in ganacsatada ay arrintan saameysay digniin la siiyay sanadkii hore balse ay ka dhaga fureysteen.
Ganacsatada ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in hal maalin ka hor lagu wargeliyay arrinkan.
Waxaa tallaabadan canbaareeyay xildhibaankii hore ee deegaanka Kanduyi, Wafula Wamunyinyi.