Waxaa maanta xilalkooda loo dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada ee dalka Peru.
Xafladda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha wadankaasi ,Pedro Castillo oo 6 bilood ka hor hoggaanka qabtay.
Golaha wasiirrada ee la dhaariyay ayaa lagu sheegay kuwii afaaraad muddo 6 bilood gudahood ah maadaama uu marar kala duwan wajahay iskudayo xilka looga qaadayo oo uu uga falceliyay iskushaandheyn dhowr mar uu sameeyay.