Golaha imaamyada iyo ducaadda dalka ee (CIPK) ayaa waxaa ay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ku soo saareen bayaan ay uga hadleen muran ka taagnaa hoggaanka xafiiska golahan ee dowlad deegaanka Garissa.
Sheekh Cabdallah Ateka oo ah guddoomiyaha guud ee golahan ayaa sheegay in CIPK ay aqoonsan tahay hal xafiis kaliya oo hoggaankiisa si hufan loo doortay dhawaan.
Sheekh Xasan Cumar Dhaqane oo ka mid ah golaha sare ee CIPK ayaa xusay in ay jiraan koox wadaadda ah oo iskood isku magacaabay.
Waxaa uu tilmaamay in ay cadaaladda la tiigsan doonaan haddii aysan ka tanaasulin sheegashada magaca golaha.
Ugu danbayn, Sheekh Maxamad Khaliifa oo ah xoghayaha guud ee golaha imaamyada iyo ducaadda waddanka ee (CIPK) ayaa sheegay in doorasho ay galeen hoggaanka xafiiska golahan ka dibna la doortay hoggaamiyaasha ay iyagu aqoonsadeen sidaasi awgeedna ay yihiin kuwa rasmiga ee ku matala xafiiskooda Garissa.