DHAGEYSO:Golaha CIPK oo dhaliilay amar maxkamadeed oo ka dhan ahaa booliiska

0
444

Xoghayaha dhanka abaabulka ee golaha imaamyada iyo ducaadda dalka ee CIPK Sheekh Maxamad Khaliifa ayaa dhaliilay go’aan maalmo ka hor ka soo baxay maxkamadda sare ee waddanka.
Waxaa uu go’aankaasi ku saabsanaa in ciidamada booliiska ee dibadbaxyada ka falcelinaya aynan adeegsan karin baabuurta biyaha rusheeya iyo rasaasta tooska ah.
Sheekh Maxamad Khaliifa ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay caqabad ku tahay sugidda ammaanka iyo ilaalinta ganacsiyada.
Waxaa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay la burburiyay hanti badan taasina ay waddanka ku leedahay saameyn dhaqaale.

Waxaa dareen kani la mid ah muujiyay sarkaalka ha’yadda u ololeysa xuquuqda muslimiinta ee Muhuri u qaabilsan dhanka barnaamijyada gaarka ah Francis Auma.