DHAGEYSO:Golaha aqalka sare ee Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeed hay’adda nabadsugidda

0
246

Kalfadhigii maanta ay yeesheen golaha Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka.
kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare, Senatar Cali Shacbaan Ibraahim ayaa waxaa soo xaadiray 35 xubnood, iyadoo 31 ka mid ahna ay u codeeyeen ansixinta xeerkan.
Sidoo kale waxaa diiday saddex xubnood, halka uu hal xubina ay ka aamustay.
Wasiirru dowlaha wasaaradda Amniga , Maxamad Cali Xagaa, ayaa golaha uga mahadceliyay meel marinta hindise sharciyeedka hay’adda.

Waxaa sidoo kale isna dhankiisa golaha Aqalka sare ee Soomaaliya u mahadceliyay Agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamad Salaad
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa sheegay inay dedejinayaan shaqooyinka horyaalla.