DHAGEYSO:Garissa: Maamulo iskuul oo lagu xukumay 35 sano oo xabsi ah

0
622

Milkiilaha iyo maamulaha  guud ee  dugsiyada  sida gaarka ah loo leeyahay ee Mwangaza ee ku yaalla magaalada Garissa Xuseen Xasan Cali ayaa maanta maxkamadda ismaamulkaasi ku xukuntay 35 sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay wiil arday ah isagoo sidoo kale baangad sita.
Waxaa xukunkan soo dhaweeyay dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo qoyska xukunsanaha ay sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan.