DHAGEYSO:Ganacsatada Naivasha oo ku baaqay in aan canshuurta la kordhin

0
250

Ganacsatada magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru oo ay ka mid yihiin milkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay ka laabato qorshaha ay ku kordhinaysa canshuurta la saaro badeecooyinka kala duwan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in hadda dalka uu wajahaya xaalad adag sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in dadweynaha culeys dheeraad ah loo horseedo.