Ganacsatada suuqa Gikomba ee ismaamulka Nairobi ayaa maxkamadda geeyay dacwad ay uga soo horjeedaan in laga dumiyo goobo ay ku ganacsadaan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in tani ay saameyn ku yeelanaysa nolol maalmeedkooda.
Iyagoo uu matalaya qareenkooda, Danstan Omari ayay doonayaan in aan laga burburin meheradahooda.
Qaar ka mid ah ganacsatadan oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.
Maxkamadda ayaa dacwadda loo gudbiyay go’aan ka soo saari doonto 10-ka bisha Lixaad ee sanadkan.