DHAGEYSO:Galmudug oo shaacisay inay baadi goobayso xubno uu ku jiro Shiikh Shaakir

0
347

Taliska Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa soo bandhigay magacyada iyo Sawirrada 36-qof oo Galmudug u aqoonsatey in ay yihiin dambiilayaal, kuwaas oo la farey laamaha amniga ee Galmudug iyo muumalada kaleba in ay gacan ka geystaan soo qabashadooda, waxaayna ka tirsan yihiin xoogagga Ahlusunna.
Raggan la baadi goobayo ayaa waxaa ugu horeeya sida qoraalka la baahiyey ku cad hoggaamiyiha kooxda la baxdey Ahlusunna Sheekh Maxamwd Shaakir Cali Xasan iyo 35 kamid ah Saraakiisha Ciidamadiisa ee dagaalka kula galay Dhuusamareeb iyo Guriceel Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Galmudug Nuur Cilmi ayaa sheegay inay soo gunaanadeen wajigii 1-aad ee howlgalka ka dhanka ah Ahluusnna, sisoo kalena uu billaawday waji labaad oo ay kusoo qaban doonaan dambiilayaasha oo ay rabaan in dowladaha dariska ah iyo laamaha amniga guddahaba ay ka howlgalaan in cadaalada la hor-keeno.

Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markiinla dhisay waxaa caqabad iyo dagaal uu kala kulmayay xoogagga Ahlusunna Waljamaaca taas oo ay u sii dheer tahay Ururka Al-Shabaab oo degaannada qaar gacanta ku haaya marar badana weeraro ka fuliyay degaano katirsan Galmudug.