DHAGEYSO:Gachagua oo wacad ku maray in shaqada laga eryaya saraakiisha aan la dagaallamin balwadda

0
262

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa guddoomiye xaafadeedyada, ku xigeenadooda iyo saraakiisha amniga ku amray inay si wayn ula dagaallamaan ka ganacsiga balwadda.
Waxaa uu u sheegay inay kala door bidaan in shaqooyinka laga eryo iyo inay u istaagaan cirib tirka maandooriyaha iyo falalka amni darrada.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii mas’uulka la ogaado inuunan shaqadiisa ka soo bixin in aan goob kale loo wareejin doonin balse shaqada laga joojinaya.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Nyahururu ee ismaamulka Laikipia.