DHAGEYSO:Gachagua oo siyaasiyiinta Rift Valley ku eedeyay faragelinta arrimaha gobolka uu ka soo jeedo

0
398

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin ka soo jeedo gobolka Rift Valley oo aad ugu dhow madaxweyne William Ruto kuwaasi oo isku dayaya in ay farageliyaan arrimaha siyaasadda ee gobolka Bartamaha dalka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Uasin Gishu ayuu madaxdan oo uunan magacdhawin u sheegay in aynan ku mashquulin hoggaanka siyaasadeed ee Mt. Kenya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasiyiintan ay xilli hore billaabeen in ay ka hadlaan mustaqbalka hoggaanka wadanka.