Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa cambaareeyay go’aankii maalmo ka hor ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court.
Go’aanka oo ay qaateen saddex garsoorayaal ayaa lagu sheegay in dadka isku jinsiga ee wax iska daya ay xaq u leeyihiin inay sameystaan ururro u dooda xuquuqdooda.
Hasa ahaate hoggaamiyaha labaad ee wadanka ayaa go’aankaasi gaashaanka u daruuray isagoo xusay in aan marnaba la aqbali karin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in go’aankaasi uu la fajacay oo aynan xita u suurtagelin inuu ka hadlo.