DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay inuu diyaar u yahay in uu xilkiisa ku waayo la dagaallanka maandooriyaha

0
222

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in uunan marnaba ka gaabin doonin la dagaallanka soo saaridda , iibinta iyo isticmaalka maandooriyaha si kasta oo isaga loo cabsi geliyo.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan shakhsiyaad uga digaya inuu sii wado howlgallada qaran ee ka dhanka ah balwadda maadaama ay saameyn ka soo gaari karto.
Balse waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uunan marnaba oggolaanayn in dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada laga iibiyo waxyaabo sun ah xita haddii uu ku waynaya xilka uu haya.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay tallaabooyin ay dowladda dhexe qaadday toddobaadkii hore kuwaasi oo lagula tacaalaya maandooriyaha sida in la xiray goobaha lagu caweeyo ee ku yaalla agagaarka xarumaha waxbarashada iyo xaafadaha la deggan yahay dhexdooda .

Arrimahan ayuu saaka ka sheegay munaasabad kaniiseed oo uu uga qayb galay deegaanka Roysambu ee ismaamulka Nairobi.