DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay inaynan dhibaato kala dhexeyn madaxweynihii hore ee dalka

0
242

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in maamulka wadanka hoggaamiyo ee Kenya Kwanza aynan wax dhibaato ah kala dhexeyn ama uunan ka aargoosanayn madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sidoo kale beeniyay inuu ku howlan yahay loollan uu ku doonaya in sida uu hadalka u dhigay uu noqdo boqorka arrimaha siyaasadeed ee bartamaha dalka looga dambeeya.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kiambu, ayuu Rigathi Gachagua sheegay in dastuurka dalka uunan qabin nidaam boqortooyo sidaasi awgeedna doodda arrintan la xiriirta ay tahay mid waxba kama jiraan ah.