DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in uu xiriir wanaagsan kala dhexeeya madaxweynaha

0
284

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa beeniyay wararka sheegay inuu khilaaf shaqo soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyaha dalka William Ruto.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Kesses ee ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley ayuu sheegay in isaga iyo madaxweynaha qaranka uu xiriir wanaagsan oo adag uu ka dhexeeyo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ku wada shaqeynayaan qaab nidaamsan oo ay xushmad ku dheehan tahay.

Tani ayaa timid ka dib markii lagu dhaliilay inuu ka maqnaa munaasabadii galinkii dambe ee Sabtida lagu soo dhaweynayay madaxweynaha dalka William Ruto oo ka soo laabtay safarkii uu ku tagay Maraykanka.