DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in maamulkii hore uu lunsaday 24 bilyan oo shilin

0
223

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in maalmaha soo socdo uu shaaca ka qaadi doono macluumaad ku saabsan lacag dhan 24 bilyan oo shilin oo uu aaminsan yahay in la lunsaday xilligii kala guurka.
Gachagua ayaa xilli uu shalay ku sugnaa deegaanka Roysambu ee ismaamulka Nairobi hoosta ka xarriiqay in lacagtan la musuqmaasuqay intii u dhexeysay 15-kii bishii Siddeedaad ilaa 13-kii bishii Sagalaad ee sanadkii hore.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa intaasi ku daray in dacwaddii uu madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga maxkamadda geeyay looga gol-lahaa in qorshahan lagu fuliyo iyadoo xita sida uu hadalka u dhigay ay ogaayeen inaynan kiiskaasi ku guulaysan doonin.
Waxaa uu xusay in lunsashada lacagta ay qayb ka ahaayeen wasiirro iyo xoghayeyaal.
Rigathi Gachagua , madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay inuunan marnaba ka gabban doonin inuu kenyaanka la wadaago magacyada shakhsiyaadka uu ku eedeynaya inay lacagaha dadweynaha ku takriifaleen saddexdii bilood ee ugu dambeysay maamulkii hoggaamiyihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ka ganacsiga caanaha iyo gaaska cuntada lagu karsado ay dowladdu ka dhigi doonto mid furan oo aan dad gaar ah ku koobnayn.