DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in maamulka Kenya Kwanza uunan aargoosi ku howlanayn

0
281

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley sheegay in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uunan ka aargoosanayn xubnaha dowladdii hore in kastoo sida uu hadalka u dhigay la dhibaateeyay.
Gachagua ayaa xusay in kastoo laga awood badnaa haddana inay qaddar Alle noqotay in William Ruto uu ku guulaysto xilka madaxtinnimo.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka jawaabayay soo jeedin ka timid barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo ahayd in sharciga dalka isbeddel lagu sameeyo si xabsiga loo dhigo kuwa aan qadarin u muujin madaxweynaha.

Hasa ahaate Rigathi Gachagua oo hadalka Sonko ka falcelinaya ayaa yiri