DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in lala dagaallami doono dadka khiyaana beeralayda

0
277

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dagaal culus ku qaadi doonto shakhsiyaad uu sheegay inay khiyaanaan beeralayda iyagoo doonaya inay si gaar ah uga macaashaan.
Hoggaamiyaha labaad ee wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in dadkan ay qabsadeen qaybo ka mid ah waaxyaha dhaqaale ee dalka.
Waxaa uu xusay inuu sida habboon u gudan doono shaqada uu u igmaday madaxweyne William Ruto ee ah inuu dib u habeyn ku sameeyo wax soo saarka qaxwada, caleenta shaaha iyo caanaha.
Tani ayuu tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in faa’iidada ugu badan ay helaan beeralayda waxyaabahan soo saaro.