Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in ismaamullada ay xilliga habboon ku wareejiso miisaaniyadda ay u qoondeyso.
Hadalkan ayuu ka sheegay meertada 22-aad ee kulanka golaha dowladda dhexe iyo ismaamullada u qaabilsan arrimaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee IBEC oo uu guddoominayay.
Mr. Gachagua ayaa sheegay in haddii dowladda dhexe aynan ka dib dhicin bixinta lacagaha ismaamullada in dowlad deegaannada ay u suurtagalaysa inay horumar sameeyaan oo ay wanaajiyaan adeegyada shacabka.
Dhanka kale , madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa barasaabyada ismaamullada kula taliyay inay mudnaan siiyaan bixinta deymaha lagu leeyahay si uu dhaqaalaha u kobco.
Waxaa uu ku baaqay in labada heer ee dowladda ay iska kaashadaan wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo qarashaadka ku baxo mushaaraadka ee sii kordhaya.
Sidoo kale waxaa uu hoggaamiyaasha ismaamullada ku bogaadiyay sida ay dowladda dhexe ee dalka ugu taageerayaan barnaamijyada guriyeynta iyo caafimaadka.
Dhanka kale dowladaha ismaamullada ayaa doonaya in miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda sare ku wareejiso sanad maaliyadeedka dambe laga dhigo 450 bilyan oo shilin. .
Hasa ahaate dowladda dhexe oo ay matalaysa wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in ay keliya ismaamullada siin karto 395 bilyan.
Barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa ka hadlay codsiga ay u gudbiyeen dowladda dhexe.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in ismaamullada aan lacagahooda lagala dib dhici doonin




