DHAGEYSO:Gachagua oo mucaaradka baaq u diray

0
151

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay inay dul qaataan oo ay dowladda talada wadanka haysa siiyaan fursad ay dadweynaha ugu shaqeyso.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Trans Nzoia ayuu carrabka ku adkeeyay inay bixinayaan deymo la qaatay xilligii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday lacagaha ay dowladdu siiso waayeellada iyo qaybaha nugul ee bulshada isagoo xusay in lagu dadaalay in dadkan ay lacagahooda helaan xilliga habboon.