DHAGEYSO:Gachagua oo madaxweynaha ugu baaqay inuu ku adkaado hoggaanka wadanka

0
288

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hoggaamiyaha wadanka William Ruto ka codsaday inuu aad ugu adkaado hoggaaminta qaranka oo uunan marnaba fursad siin in laga mashquuliyo waxyaabaha dhinaca horumarka ee diiradda u saaran.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta oo soo dhaweeyay heshiiskii siyaasadeed ee bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii.
Gachagua ayaa tilmaamay in Kenyaanka ay si toos ah ula xisaabtami doonaan isaga iyo madaxweynaha qaranka.

Madaxa wasiirrada wadanka Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa garab buuxa ku siin doonto u adeegidda shacabka.

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG, Anne Waiguru ayaa dhankeeda xaqiijisay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda sare oo aynan waqti gelin doonin qabashada shirar jaraa’iid oo cabasho ama dhaliil ku saleysan.