DHAGEYSO:Gachagua oo doonaya in dakhliga qaran lagu qaybsado tirada codbixiyeyaasha

0
285

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hadda sheegaya inuu u ololeyn doono sidii qaybsashada dakhliga qaran uu u noqon lahaa mid ku saleysan tirada dadweynaha ee ku nool deegaannada kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay xaqiijinaysa sinnaan iyo cadaalad maadaama ismaamul kasta raasimaalka loogu qaybinaya tirada shacabkiisa.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Siakago ee ismaamulka Embu ayuu sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay horumarka gobolka Bartamaha wadanka.
Waxaa uu tilmaamay in marka ay dadka tiradoodu badan tahay ay bixiyaan cashuur sare sidaasi awgeedna ay u xaq leeyihiin in la siiyo raasimaal u dhigma tiradooda.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa adkeeyay in aynan suurtagal ahayn in deegaan baarlamaaneed ay ku nool yihiin 800,000 oo qof iyo mid kale oo ay dadkiisu yihiin 14,000 isku miisaaniyad looga qoondeeyo sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF.
Gachagua ayaa cadeeyay in uunan cidna ka raalligelinayn inuu qaabkan aaminsan yahay oo uuna u ololeyn doono.