Sakina Cumar waa gabadh aan sanadkii 2017-kii idiin soo gudbinay warbixinteeda xilli ay raadinaysay waalidiinteeda.
Qiyaastii 6 sano ka dib ayay mar kale noogu timid xarunta idaacadda waxaana walwal maskaxeed ku haya duruufo nololeed oo ay wajahaysa.
Sakina ayaa inoo sheegtay inuusan jirin qof ay ku tiirsan tahay oo ka bixinaya qarashaadka jaamacadda iyo maareynta waxyaabaha aasaasiga ee ay u baahan tahay marka laga soo tago qoys aan awood dhaqaale lahayn oo ay ka heshay hooy.
Jaamacadda ay dhigato waxaa looga leeyahay 48,000 oo shilin oo aynan weli bixin.
Dhibaatooyinka ay soo martay awgood waxay dhowr mar ku fikirtay inay nafteeda ka takhalusto.
Waxay bulshada muslimiinta ee idaacadda ku xiran ka codsanaysa inay garab istaag u muujiyaan.
Mowlid Maxamad Shuuriye ayay u warrantay.
Si loo caawiyo gabadhan dhibban waxaa lagala xiriiri karaa taleefoonka uu nambarkiisa yahay 0708581225




