Waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay magaalada Wajeer laga dareemaya gaabad dhanka shidaalka ah.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa xalay fiidkii tagay hal kaalin shidaal oo xilligaasi shaqeynaysay oo ay gaadiidleyda safaf dhaadheer ugu jireen inay shidaal helaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kaalimaha kale la xiray maadaama aynan jirin waddo loo marin karo shidaalka tani oo qayb ka ah saameynta fatahaadaha.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star.