Waxaa lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah gaadiidleyda ismaamulka Kericho ay danta ku qasabtay inay howlahooda hakiyaan shidaal yari jirta awgeed.
Kaalimaha shidaalka ee ku yaalla Kericho ayaa laga dareemaya ciriiri xooggan iyadoo wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ay safaf dhaadheer ugu jiraan sidii ay badeecadan ku heli lahaayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelaha qaar la kordhiyay qiimaha nooliga lagu raaco baabuurta.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda Kericho oo ka warramaya culeyska haysta ayaa dareenkooda sidan u muujiyay
Caqabaddan mid la mid ah ayaa laga dareemaya ismaamulka Trans Nzoia.