Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Fred Matiang’i ayaan maanta tagin xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo la sheegay in looga yeeray.
Hasa ahaate qareenka u doodaya Matiang’i oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa sheegaya inuunan jirin qoraal rasmi oo ay booliska saxiixeen oo muujinaya in wasiirkii hore lagu amray inuu iska xaadiriyo xarunta DCI-da.
Waxaa uu intaasi ku daray in maxkamadda sare ay horay u soo saartay amar ah in aan la xiri karin Matiang’i balse haddii si sharci ah loogu yeero uu halkaasi iska xaadirinaya.