DHAGEYSO:Fahad Yaasiin “Kursiga la ii doortay waxaan ku matali doonaa bulshada Beledweyne, Hiiraan, Hirshabelle iyo Soomaaliya”

0
408

Fahad Yaasiin oo maanta lagu doortay magaalada Beledweyne ayaa goobtii lagu doortay kula hadlay ergadii iyo dadkii kale ee goobjooga ka ahaa doorashada.
Fahad ayaa yiri “Doorashooyinka dalkii intii aan soo garaadsaday tii Carte ayaa iigu horeysay, marka taas laga reebo intii kale waan dhex taagnaa, qaabkii aan ku galayba, balse tan ayaa iigu horeysa in aniga la ii codeeyo” .
Fahad oo hadallo kaftan ah goobta ka jeediyay ayaa u muuqday in uu muujinayo in doorashada dadban ay noqon doonto mid natiijooyin aanan dad badan farax galin.
Waa mararka dhifta ah ee la arkay Fahad oo fagaare ka hadlaya, wuxuuna markan ballanqaaday in kursigiisa uu ugu adeegi doono Hirshabeelle iyo Soomaaliyaba.
Doorashadiisa ayaa soo jiidatay dareenka siyaasadda Soomaaliya iyo tan warbaahintaba, waxana ay ahayd mid siyaabo badan kaga duwan kuraastii kale ee la doortay, iyada oo ciidamo xoog leh oo diyaarado lagu geeyay ay illaalo ka hayeen magaalada iyo goobtaba.