DHAGEYSO:Eugene Wamalwa oo dowladda ugu baaqay in ay yareyso qiimaha sarreeya ee maciishadda

0
487

Madaxa xisbiga DAP-K horayna u soo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dalka, Eugene Wamalwa ayaa maamulka Kenya Kwanza ku boorriyay inuu qaado tallaabooyin hoos loogu dhigaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu dowladda talada wadanka haysa ku eedeyay in aynan ka dhabeyn ballanqaadyadii xilligii ololihii doorashada ee sanadkii 2022-kii.
Wamalwa ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweyne William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ay ku ololeynayeen inay wanaajin doonaan nolosha kenyaanka balse ay xaaladdu sii adkaatay.
Waxaa uu soo jeediyay in meesha laga saaro canshuurta dheeraadka ah ee la soo rogay si loo yareeyo culeysyada nololeed ee ay dadweynaha wajahayaan.