Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC laantiisa dowlad deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa xiray labo qof oo laalush ka qaatay mid ka mid ah dhallinyarada doonaya inay ku biiraan barnaamijka qorista ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Labada qof ee la xiray ayaa iska dhigayay inay awood u leeyihiin in dhallinyarada ay u fududeeyaan ku biirista saraakiisha ciidamada gaashadhigga ee wadanka.
Shakhsiyaadkan ayay magacyadooda guddiga EACC ku sheegtay Saalim Maxamad iyo Fredrick Hamisi Baya.
Waxaa lacag dhan 250,000 shilin ka qaateen mid ka mid ah dhallinyarada ka qaybgalaya barnaamij qorista ee ciidamada diifaca ee KDF-ta, kaas oo dhacdadan ku wargeliyay laamaha ammaanka,
Madaxa guddiga EACC u qaabilsan arrimaha isgaarsiinta Eric Ngumbi ayaa oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in eedeysanayaasha su’aalo lagu weydiiyay xarunta guddigan ee deegaanka Malindi.
Waxaa uu intaasi ku daray in eedeysanayaasha ay caawa ku hooyan doonaan saldhigga booliiska ee magaalada Malindi.
EACC ARRESTS SUSPECTS OVER GRAFT IN THE ONGOING KDF RECRUITMENT
EACC on Tuesday arrested two civilians namely Salim Mohamed Shekue and Fredrick Hamisi Baya, who had solicited and received Kes. 250,000 from the complainant as an inducement to facilitate his recruitment and… pic.twitter.com/YX87XycIYv— EACC (@EACCKenya) August 30, 2023