DHAGEYSO:EACC oo wacad ku martay in dabagal lagu sameynaya shahaadooyinka shaqaalaha dowladda

0
217

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa wacad ku maray inuu dabagal ku sameyn doono shahaadooyinka waxbarasho ee dhammaan shaqaalaha dowladda.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha EACC u qaabilsan dhanka hufnaanta iyo hoggaanka John Lolkoloi.
Mas’uulkan ayaa xusay inay billaabeen baaritaano ka dhan ah qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda oo ku eedeysan inay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah ama isbeddel lagu sameeyay xilligii la howlgelinayay.
Mr. John ayaa tilmaamay in guddiga uu qofka sidan sameeyay u aqoonsanaya inuu dembi galay laga soo billaabo maalinkii uu soo bandhigay shahaadada been abuurka ah ee uu shaqada ku helay sidaasi awgeedna uu soo celin doono dhammaan lacagihii uu mushaar ahaan u qaadanayay.
Waxaa uu xusay in aynan shakhsi gaar ah bartilmaameedsanayn balse marka ay helaan caddeymo wax ku ool ah oo ku saabsan in qofkaasi uu isticmaalay shahaado waxbarasho oo faalis ah in ay maxkamadda la tiigsanayaan si looga qaado tallaabo sharciyeed.

13-kii bishan Labaad  ayay ahayd  markii guddiga  adeegga dadweynaha ee  (PSC) uu warbixin ku sheegay  in ugu yaraan  2,000  oo  ka mid ah shaqaalaha dowladda  lagu howlgeliyay shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah.