DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo shirkadda waddooyinka dhista ku wareejiyay lacag lagu dhisayo waddooyin

0
377

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa shirkadda dhismaha kulmiye ku wareejiyay qaybo kamid ah lacagta dhismaha wadada Jaalle Siyaad oo dhaxmarta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, lacagtaas oo ay iska kaashadeen bulshada labadaan degmo ku nool.
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey,Guddiga dhismaha Waddooyinka iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa dhamaantooda waxay Bogaadiyeen shacabka labadaan Degmo ku nool ee isxilqaamay oo iska soo aruuriyay lacagta lagu dhisayo Wadada Jaalle Siyaad.

Guddoomiye Ku Xigeennada Arrimaha bulshada iyo Howlaha guud ee Maamulka gobolka Baanaadir ayaa dhankooda Tilmaamay inay kaalinta shacabku Muhiim tahay waxayna ugu baaqeen inay ilaashadaan Waddooyinka la dhisay kuwa aan wali la dhisina ay ka qayb qaataan.

Duqa gobolka Banaadir Cumar Maxamad Maxamuud (Cumar Filish) ayaa ka hadlay Ahmiyada Dhismaha Waddooyinka Caasimada Muqdisho iyo Kaalinta ay shacabku ka qaataan