Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqodisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay bulshada ku Nool Degmooyinka Shangaani iyo Cabdicasiis wuxuuna kala hadlay Baahiyaha ay qabaan iyo sida wax looga qaban karo.
Qaar ka mid ah dadkii ka socday Degmooyinkaan ayaa Gudoomiyaha la Wadaagay baahiyaha ay doonayaan in wax looga qabto ee degmooyinkooda ka Jira gaar ahaab dhinacyada,Caafimaadka,Amniga,Nadaafada iyo isdhexgalka Bulshada.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish ayaa dhankiisa Tilmaamay in Maamulkiisu ay ka go’antahay la dagaalanka Musuqa iyo Wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan shacabka degmooyinka Caasimada ku nool ayna Xoogga saarayaan Fulinta adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada.