DHAGEYSO:Dugsiyo ku yaalla Xagardheer iyo IFO oo hadda helay natiijooyinkoodii KCSE-da

0
149

Qaar ka mid ah dugsiyada sare ee xeryaha qaxootiga ee Dadaab ayay ka soo daahday natiijadii imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii 2023-kii oo la shaaciyay 8-dii bishan Jannaayo.
Waxaa dugsiyadan ka mid ah iskuulka Yusra Secondary oo ku yaalla xerada IFO iyo iskuulka Hudda oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Xagardheer.
Labo toddobaad ka dib ayay ardayda dugsiyadan dib u heleen natiijadoodii la hakiyey ee ay sugayeen waxaana tani si aad ah u soo dhaweeyay ardeyda, waalidiinta iyo maamullada xarumahan waxbarasho.
Macallin Cabdullahi Maxamad Cali waa Hormuudka iskuulka Yusra oo ah iskuul gaar loo leeyahay wuxuuna ka war bixiyay sababaha loo hakiyay natiijadooda isagoona sheegay in ay dadaal dheer kadib ku faraxsan yihiin inay helaan warbixintii ay sugayeen.