DHAGEYSO:Ducaale oo digniin adag u diray haweenka muslimiinta ah ee ku nool Kenya

0
250

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa digniin adag u diray haweenka muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalkani Kenya.
Waxaa uu ku amray in goobaha dadweynaha iyo munasabadaha ay dumarka muslimiinta ah ku xirtaan xijaabka .
“Waa qasab in haweeney kasta oo muslimad ah oo Kenya ku nool ay xirato xijaab, haddii aysan rabin waxaa wanaagsan in Kenya ay isaga tagto” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Ma ahan markii ugu horreysay uu Aadan Barre Ducaale ugu baaqo haweenka muslimiinta ah inay xirtaan xijaabka.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu wasaaradda waxbarashada ee dalka ugu baaqay inay tallaabo anshax marin ah ka qaado maamulayaasha dugsiyada oo gabdhaha muslimiinta ah ku qasba inay iska bixiyaan xijaabka.
Waxaa uu sheegay in gabdhaha muslimiinta ah ay la kulmeen takoor sababo la xiriira labiska diintooda, isagoo xilligaasi wasaaradda tacliinta ka codsaday inay soo saaraan amar lagu ilaalinayo xuquuqda gabdhaha muslimiinta ah ee ku sugan goobaha waxbarashada.
Xijaabka waxaa ay qiimo iyo sharaf weyn u tahay gabadha muslimada ah sida ay ina fareyso diinteena suuban ee Islaamka.