DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo u tacsiyadeeyay ehellada dadkii ku dhintay doontii qalibmatay

0
354

Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari Dubat Cali Camey ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay doontii shalay galab ku qalibmatay aagga Kona Punda xilli ay ku wajahnayd tuulada Mororo ee dowlad deegaanka Tana River ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu dadweynaha laga geeriyooday iyo kuwa ehelladooda weli raadinaya u sheegay in ay murugada la qaybsanayaan.
Dubat Cali Camey ayaa dowladda ugu baaqay in ay dadaal dheeraad ah sameyso oo la howlgeliyo quusayaasha biyaha ee ciidamada badaha ee dalka.